Madaxweynaha DFS oo la kulmay Ra’iisul wasaaraha dalka India Narendra Modi.[Masawiro]

October 30, 2015 - Written by Editor

IB0A6961Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xassan Sh.Maxamuud ayaa maanta magaalada New Delhi kula kulmey Ra’iisul Wasaaraha Jamhuriyadda India Narendra Modi. Kulanka labada hoggaamiye ayaa waxaa diiradda lagu saarey dib u soo nooleynta xiriirkii taariikhiga ahaa ee ka dhexeeyay Soomaaliya iyo India, iyo in la bilaabo iskaashi dhinacyo badan oo labada dhinac ay ka faa’ideysan karaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Mr Modi u sheegay in Soomaaliya ay ka baxdey xilligii colaadda , diyaarna ay u tahay soo dhoweynta maalgashiga shisheeye, sida India, isagoo intaa ku raaciyey in tallaabadaasi ay gacan ka geysan karto dib u soo kabashada dhaqaalaha Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Modi ayaa isna ballanqaadey inay Soomaaliya ka taageeri doonaan arrimaha waxbarashada, iskaashi dhinaca amniga, la dagaalanka argagixisada iyo adeegyada kale ee muhiimka ah.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka mid ah madaxda Afrika ee ka qeybgaleysa Shir Madaxeedka 3-aad ee waddamada Afrika iyo India, waxaana uu maanta shirkaasi ka jeediyay khudbad.

no images were found

–DHAMMAAD—

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
October 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online