Madaxweynaha Dowlada Puntland oo ka hadlay Aasaaskii Calanka Soomaaliya.[Dhagayso]
October 12, 2015 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa shacabka Soomaaliyeed u direy hambalyo ku aadan maalintii calanka Soomaaliya la sameeyay sanadkii 1954 oo hadda laga joogo 61 sano. ‘’Halkaan waxaan rabaa inaan hambalyo uga diro umadda Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan , taasi oo ku aadan maalintii la sameeyey calanka Soomaaliya ‘’ Ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.
‘’ Calankaasi waxaa uu noqday hadana yahay astaanta midnimada qaranka Soomaaliya , mar walba waxaan qabnaa rajo ah in umadda Soomaaliyeed dib isugu soo noqdaan , rajooyinkii iyo himilooyinkii ay umadda Soomaaliyeed 60-dan sano ka hor qabeena inay u rumowdo ayaan rajeyn ‘’ Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.
Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in muhiim tahay in maanta oo kale la xuso lana weeyneeyo halyaygii Maxamed Cawaale Liibaan ee isagu lahaa fikirka Calanka Soomaaliya , waxaana uu alle uga baryey in janadiisa Fardowsa uu ka waraabiyo Marxuumka.
‘’ Waxaan rajeyn illaahay idinkii in sanadkaan sanadka ka dambeeya aan meesha aan joogno meel ka fiican tagno , Soomaalinimadii , qaranamadii iyo wanaagii aan rajeynaynana ay noo suurtowdo ‘’ Ayuu hadalkiisa raaciyey Madaxweyne Gaas.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa guud ahaan umadda Soomaaliyeed ugu baaqay in ay midnimadooda iyo wada jirkooda ka shaqeeyaan , dhibaatooyinkii laga dhaxlay dagaalada sokeeyana layska cafiyo , si ay meesha ay uga baxdo kala tafaraaruqa jira.
Hoos ka dhagayso Hadalkii Madaxweyne Gaas uga hadlay maalintii La sameeyey Calan Soomaaliya oo ku beegnay maanta
[audio: http://radiohalgan.net/media/audio/Mp3/CODKA-MADAXWEYNAHA-EE-HAMBALYADA.mp3]-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.