Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo kulan la qaatay Guddiga Isku dhafka Ciidanka DFS

October 12, 2015 - Written by Editor

Madaxweynaha Maamulka KMG ah ee Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aaden ayaa maanta la kulmay guddiga Isku dhafka Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed oo shalay soo gaaray magaalada  Baydhabo, waxana ay ka wada xaajoodeen qaabka ugu wanaagsan ee deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed looga hirgelin lahaa Ciidan qaran oo isku dhafan.

Madaxweyne Shariif Xasan ayaa soo dhaweeyey dadaalka gudiga, wuxuna xusay in ay kala shaqaynayaan sidii looga miro dhalin lahaa wadatashiyada ku aadan dhismaha ciidamadda ee laga wado Koonfur Galbeed. Isagoona uga mahadceliyey guddiga Isku dhafka shaqada muhiimka ah ee ay wadaan.

“Waxaan ka wadatashanay sidii loo heli lahaa ciidan summad qaran leh, maanta dalkeena in badan oo kamid ah waxaa ka taagan duruufo kala duwan oo suurtagal ahayn in ciidan qaran laga sameeyo, laakiin waxaan idiin  sheegayaa in Koonfur Galbeed ay diyaar u tahay dhismaha ciidan qaran waana tan manta halkan isagu kaayo keentay” ayuu yiri Madaxweyne Shariif Xasan.

Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Maxamed Cali Xagaa ayaa dhinaciisa yiri:

“Kulamo badan oo aan horey u qabaneyna waxaan ku muujiney muhimadda ah in ciidanka la isku dhafo, waxaana maanta ina horfadhiya  Madaxweynihii Koonfur Galbeed iyo Golihiisa Wasaaradda  waxaana dhammaanteen diyaar u nahay sidii howshan ay noogu qabsoomi lahayd. Waana filayaa in si habsami leh hawshu u qabsoomi doonto waqti dhow.

——dhamaaad—–

Leave a comment

*

Archives
October 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online