Madaxweynaha Puntland oo si weyn loogu soo dhaweeyey Gaalkacyo (Masawiro)

October 22, 2015 - Written by Editor

IMG_1337Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta siweyn loogu soo dhaweeyey Garoonka diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf ee magaalada Gaalkacyo xarunta Gobalka Mudug Puntland, kadib markii uu dib uga soo laabtay safar shaqo oo maalmo qaatay islamarkaana uu ku tagey magaalada Muqdisho ee xarunta Gobalka Banaadir.

Wasiiro, xildhibaano, maamulka Gobalka mudug, maamulka degmada Gaalkacyo, waxgarad, haween , dhalinyaro iyo masuuliyiin kale duwan oo buux dhaafshay garoonka ayaa madaxweynaha iyo wefdigiisa si maqaamsare leh ugu soo dhaweeyey magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ee Dawladda Puntland.

Dhalinyaro si iskood ah isu soo diyaariyey islamarkaana ku labisanaa dharka ay ku dhigtaan iskuulada, calanka Puntland iyo haween iyana ku labisanaa dharka hiddaha iyo dhaqanka ayaa madaxweynuhu si farxadi ku dheehan tahay dhammaantood u salaamay , waxaana wajiyadoooda laga dheehanayey farxad balaaran.

Soo dhaweyn kadib ayaa Madaxweynaha loo soo gudbiyey hoygiisa magaalada Gaalkacyo , waxaana uu halkaasi kula hadlay warbaahinta qeybaheeda kala duwan isagoona shacabka iyo madaxdii soo dhaweysay uga mahadceliyey soo dhaweynta aan kala harka lahayn ee ay u sameeyeen Madaxweynahooda.

no images were found

Madaxweyne Gaas ayaa sidoo kale sheegay in Muqdisho uu uga qeyb-galay Madasha wadatashiga ee doorashada 2016, waxaana uu sheegay in Puntland shirka ku soo bandhigtay aragtideeda ku aaadan doorashada 2016-ka.

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
October 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online