Madaxweynaha dowlada Puntland oo u dhoofay magaalada Muqdisho

October 18, 2015 - Written by Editor

1Gaalkacyo:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha Cabdullaahi Yusuf ee magaalada Gaalkacyo xarunta Gobalka Mudug Puntland , iyagoona ku sii jeeda magaalada Muqdisho oo uu madaxweynuhu uga qeyb-galayo shir looga hadlayo doorashooyinka 2016-ka.

Wefdiga Madaxweynaha oo isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano ayaa waxaa garoonka ku sagootiyey Wasiiro, Maamulka Gobalka Mudug, Maamulka Degmada Gaalkacyo, Waxgarad, Haween , Dhalinyaro iyo Masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo inta uusan ka amababixin garoonka la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in magaalada Muqdisho uu ugu qeyb-galayo shir muhiim oo doorashooyinka 2016-ka looga hadlayo.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in shirkaasi ay Puntland ka soo jeedinayso markale aragtideeda ku aadan doorashada 2016 , mowqifka Puntland uu yahay mid cad oo dani ugu jirto guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed.

19-September ee sanadkaan ayey ahayd markii uu Madaxweynaha iyo Wefdi balaaran oo uu hogaaminayey Muqdisho uga qeyb-galeen shir gogol xaar u ahaa shirka lagu wado in Muqdisho uu ka furmo .

no images were found

 

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinra, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
October 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online