Madaxweyne Gaas ayaa la kulmay Safiirka Dawladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya
October 7, 2015 - Written by EditorNairobi:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa magaalada Nayroobi ee caasimadda dalka Kenya kula kulmay Safiirka Dawladda Talyaaniga u fadhiya Dalka Soomaaliya Ambasador Fabrizio Marcelli . Kullanka ayaa waxaa ay uga wada hadleen xaaladda guud ee Soomaaliya, mashaariicyada horumarineed ee Talyaanigu ka fulinayo gudaha Puntland iyo mashaariic horleh oo Dawladda Talyaanigu ku rajo weyn tahay inay ka hirgeliso Puntland.
Madaxweyne Gaas ayaa safiirka sharaxaad dheer ka siiyey halka uu marayo dhismaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso oo heer gebo gebo ah maraya .
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale Dawladda Talyaaniga ka codsday in qeybaha kala duwan ee ciidanka Puntland siiso tababaro kor loogu qaadayo aqoontooda, si ay ulaba jibaaran howsha amaan ee ay kawadaan Puntland.
Safiirka Dawladda Talyaaniga u fadhiya Dalka SoomaaliyaAmbasador Fabrizio Marcelli ayaa isna dhankiisa sheegay in mar walba ay Dawladda Talyaaniga ka go’antahay sii wadida mashaariicda horumarineed ee ay kawadaan Puntland .
-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland