Madaxweyne Gaas oo ka hadlay shirkii wada tashiga qaran ee Hiigsiga 2016.[Masawiro]

October 19, 2015 - Written by Editor

IMG_0318Muqdisho:-Madaxweynaha Dawladda Puntlad Dr. C/weli Max’ed Cali Gaas ayaa maaanta 19.10 2015 magaalada Muqdisho uga qayb galay Madasha wada tashiga Qaran ee hanaanka Doorashada Soomaliya ee 2016, shirkaas oo saaka ka furmay xarunta QM ee magaalada Muqdisho.

Shirka oo diirada lagu saarayay qaabka ay noqon doonto doorashada Soomaaliya ee sanadka 2016 ayaa waxaa ka qayb galay Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. C/weli Max’ed Cali Gaas, Madaxweynah DFS Xassan Sh.Max’ud, Ra’iisal Wasaaraha DF Cumar C/rashiid Cali Sharmaaarke , Madaxweynaha Jubbaland Axmed Max’ed Islaan, Madaxweynaha Mamulka KMG ah ee Koofur Galbeed Soomaliya Shariif Xassan Sheikh Aadan iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Max’ed Sh. Cismaan Jawaari.

Waxaa sidoo kale shirka ka qayb galay wasiiro iyo xildhibaano ka kala socday Dawladda Puntland, Dawladda Federalka Soomaaliya iyo Dawladaha xubnaha ka ah DFS, sidoo kale waxaa isaguna joogay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaliya Nickloss Key iyo xubno kale oo ka socday beesha caalamka.

Madaxweynaha Dawladda Puntlad Dr. Cabdiweli Max’ed Cali Gaas oo shirka ka jeediyay kudbad muhiimad weyn xanbaarsan, taasoo salka ku haysay sida ay dalka uga dhici karto doorasho ku timaada rabitaaanka shacabka Soomaliyeed si ay u doortaan masuulka hogaamin doona wixii ka danbeeya 2016.

Madaxweynaha Dawladda Puntlad Dr. Cabdiweli Max’ed Cali Gaas ayaa sidoo kale sheegay in Puntland ay aaminsan tahay in dalka la gaarsiin karo doorasho hal qof iyo hal cod ah , taasina ay u baahan tahay in laga dhabeeyo dadaalka hadda socda iyadoo laga tanaasulayo dan shakhsiyadeed isla markaana loo jihaysto in Soomaliya ay hore uga gudubto meesha ay hadda taagan tahay.

Shirka qaybtiisii hore ayaa markii khudbaduhu dhamaadeen waxaa la diyaaariyay gudiyo kala duwan oo isku dhafan iyadoo la fasaxay madaxdii shirka joogtay , waxaana looga fadhiyaa gudiyadaas inay keenaan qorshaha lagu wajahayo doorasho ka dhacda Soomaliya sanadka 2016.

no images were found

Shirkan oo lagu eegayo sida ugu sahlan oo doorasho uga dhacayso Soomaliya sanadka 2016 ayaa waxaa lagu wadaa in la soo geba gebeeyo maalinimada berri ah oo ku beegan 20, 10, 2015.

–DHAMAAD–

Xafiisa Warfafinta, Wacyigelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka Ee Madaxtooyada Dawladda Puntland.

Leave a comment

*

Archives
October 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online