Madaxweyne Gaas oo ka qeyb-galay Munaasibad lagu soo bandhigayey Waxqabadka Dawladda ee Gobalka Mudug

October 24, 2015 - Written by Editor

IMG_2956Gaalkacyo:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 24-10-2015 hotel uunlaaye ee magaalada Gaalkacyo xarunta Gobalka Mudug ee Puntland uga qeyb-galay munaasibad balaaran oo lagu soo bandhigayey waxqabadka ay dawladdu Puntland ka fulisay magaalada Gaalkacyo mudadii uu joogay Madaxweynuhu Gobalka Mudug.

Munaasibadda oo siweyn loo soo qaban qaabiyey ayaa waxaa ka soo qeyb-galay wasiiro, xildhibaano, isimo, waxgarad, nabadoono, ganacsato, haween, dhalinyaro iyo masuuliyiin kale duwan oo la dhacsan horumarka baaxadda leh ee ka soconaya guud ahaan Gobalka Mudug ee Puntland.

Guddiyada uu magacabay madaxweynuhu ee kawada howsha horumarineed Gobalka Mudug ayaa soo bandhigay guulaha ay gaareen, iyagoona si aad ah ugu mahadceliyey shacabka oo ay ka go’antahay inay qeyb lixaadleh ka qaataan horumarka socda.

Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland ayaa kawasaarad ahaan furitaanki sanduukh horumarinta Gobalka Mudug ugu yaboohday 50,000 oo doolar , halkaas oo uu Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Cabdullaahi Shiikh uu kaga dhawaaqay lacagtaas,

Sidoo kale Wasaaradaha Howlaha Guud , Kalluumaysiga , Xannaanada Xoolaha, Haweenka ayaa iyana dhankooda ku yaboohay lacag dhan 25-kun oo doolar , halka Madaxtooyada Dawladda Puntland ay ku yaboohday lacag dhan 10-kun oo doolar .

Wasiiradii, Isimadii , Ganacsatadii iyo masuuliyiintii kala duwanaa ee ka soo qeyb-galay munaasibadda ayaa si shaqsi shaqsi ah iyaguna ugu yaboohay sanduukha lacago kala duwan oo ay ugu talagaleen in Gobalka Mudug lagu horumariyo.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo khudbad dhinacyo badan taabanaysay ka soo jeediyey munaasibadda ayaa ugu baaqay guud ahaan shacabka Puntland inay kaalintooda ka qaataan sanduukha horumarinta Gobalka Mudug.

Isimadii ka soo qeyb-galay munaasibada ayaa iyaguna ku yaboohay xoolo dhaqmaati oo gaaraya 500- oo neef oo ari ah iyo sideed iyo toban tuldood oo geel ah , waxaana ay bogaadiyey horumarka ka soconaya Gobalka Mudug.

Sidoo kale Qurba joogta iyo Ganacsatada reer Puntland dal iyo dibad meelkasta oo ay joogaan waxaa uu ugu yeeray inay kaalintooda buuxiyaan oo ay bixiyaan dhaqaale si looga gun gaaro horumarka baaxadda leh ee hada ka soconaya Gobalka Mudug oo laf dhabar u ah Puntland.

no images were found

‘’ Waxaan rabnaa in lays kaabo oo Gobalkii wax qabad laga bilaabo Gobalada kalana ay kaalintooda ku darsadaan ,beritana markii mid la’aadana sidoo kale wax lagu darsado ‘’ Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
October 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online