Midawga Africa oo xilkii ka qaaday wakiilkoodii gaar ka ah ee Soomaaliya
October 8, 2015 - Written by EditorNairobi:-Guddoomiyaha Guddiga Midowga Africa Dr. Nkosazana Dlamini-Zuma, ayaa waxaa uu xilkii ka qaaday wakiilkii hore gaarka ah ee Soomaaliya iyo madaxa howlgalka AMISOM Ambassador Maman Sambo Sidikou oo ka soo jeeda waddanka Niger waxaan wakiilka gaar ka ah ee Soomaalya ee howlka AMISOM loo soo magacaabay Ambassador Francisco Caetano Jose Madeira oo u dhashay dalka Mozambique.
Wakiilka cusub ee Amassador Francisco Madeira ayaa waxaa uu ku dhashay magaalada Beira ee dalka Mozambique 4 April sanadkii 1954. Waxaa uu bartay cilmiga xiriirka caalamka ka bartay Jaamacad ku taala magaalada Daaru Salaam ee Tanzania, waxaana sidoo kale shahaadada sharciga ka qaatay Jaamacada Eduardo Mondlane oo ku taala magaalada Maputo ee caasimadda dalka Mozambique.
Ciidanka AMISOM iyo Madaxdooda ayaa waxgaradka Soomaaliya waxaa ay ku eedeeyeen in aysan wax la taaban karo ka qaban magaalada Muqdisho ayna dilal kale duwan u geysteen dad rayid ah taas oo sababtay in magaalada Muqdisho uu ka dhaco banaanbax ka dhan ah ciidanka AMISOM.
A/cawaale
Halgan.net