Mu’adinkii iyo Khaadimkii Masjidka Imaamu Shaafic ee Degmada Caabudwaaq oo xalay la dilay.[Dhagayso]

October 21, 2015 - Written by Editor

DSCN5019Caabudwaaq:-Waxaa Allaha u naxariistee lagu dilay xalay Degmada Caabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Gal-gaduud Mu’adinkii iyo Khaadimkii Masjidka Imaamu Shaafici oo lagu magacaabi jiray Farxaan Maxamed Jaamac. Khaadimkii Masjidka Imaamu Shaafici ee Degmada Caabudwaaq ayaa la dilaya xili uu Masjidka ka soo baxay Salaadii Cishe, waxaan wadaadkaan dhaawacyo loo geystay intaan xalay la dilin galabtii casarka.

Dilka Khaadimkii Masjidka Imaamu Shaafici ee Degmada Caabudwaaq waxaa lagu tuhunsan yahay kooxda Suufiyadda ah ee degan Degmooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel.

Kooxda Suufiyadda ah ee hubaysan oo taageerada ka helaya Ciidanka Itoobiya ayaa in mudo ah waxaa ay dadweynaha Soomaaliyeed ku beerlaxawsan jireen in Amniyaadka ururka Al-shabaab ay yihiin oo kaliya kuwa dila dadka Soomaaliyeed ee ku tukada ama u socda Masaajidda dila,  balse arrinkaas ayaa maanta ku cadaatay Suufiyadda hubaysan in ay iyaguba yihiin kuwa aan wax xurmo ah u ahayn Masaajidda iyo ducaada diinta Islaamka fidisa.

Ma ah markii ugu horaysay oo kooxda Suufiyaddu ay dilal bareer ah ugu geystaaan degmada Caabudwaaq Ducaad iyo culimada Salafka ah ee iyagu ku howlna fidinta Manhajka saxda ah ee Ahlusunaha. Sh. C/risaq Warsame Fiqi oo ka mid ah gudiga Masaajidka Imaamu Shaafici ayaa la hadlay saxaafadda Salaad Casarr a dib isagoo ka tacsiyeyey dilka foosha xun ee loo geystay Mu’adinkii iyo Khaadimkii Masjdika Imaamu shaafici Farxaan Maxamed Jaamac.

Hoos ka Dhagayso Sh. Cabdirisaq Warsame Fiqi oo ka mid ah gudiga Masjidka Imaamu Shaafici

[audio: http://radiohalgan.net/media/audio/Mp3/Shir-Jaraaid.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

[Source Codka SBC]

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online