Mu’asasada Al-minhaaj tababar u furtay Gudoomiyaasha Gobolladda ee Mu’assasada.[Masawiro]
October 29, 2015 - Written by EditorGaroowe:-Tababarkaan ayaa wuxuu ku suntanaa tababarka taba barayaasha , wuxuuna ka dhacay magaalada Bosaaso ee xarunta Gobolka Bari gaar ahaan Hoolka Amal plaza , wuxuuna socday tababarkaani mudadii u dhexaysay 16-22 October 2015 waxaana bixinayay tababarkaan taba-bara yaal ku xeel dheer taba-barka (TOT) oo xaruma tababar ku leh magaalada Muqdisho oo haysta shahaadooyin caalami ah waxayna kale ahaayeen Dr Shaafici Dhafe & weilba Ustaad C/weli Xassan Ujeedooyinka tababarkan laga lahaa ayaa waxaa ka mid ahaa:-
1- In la helo tababarayaal karti iyo Kifaa’o leh tababarka .
2- In lataba baro taba barayaal awood u leh inay bulshada u gudbiyaan aqoonta ay xanbaarsan yihiin .
3- In la soo saaro tababarayaal xirfad tababar leh.
Waxaa tababarkaan ka faa’idaystay rag xul ah oo iskugu jiray godoomiyayaasha Mu’asasada ee gobollada / degmooyinka iyo waliba mas’uuliyiinta mu’asasaadka tacliinta qaybo kamid ah. Waxaana laga soo xulay gobolada ay kamid yihiiin Mudug , Nugaal ,Bari , Sanaag, Sool iyo Caabudwaaq.
Tababarkaan ayaa waxaa lagu qaadanayey shahaadooyin caalami ah oo ay kala bixinayaan Canadian Training Center, Son’a Al-karar for human Development iyo Mu’asasada Al-minhaaj.
no images were found
Tababarkaan oo ahaa kii ugu horeeyey oo noociisa ah oo lagu qabto deegaanada Puntland ayaa waxa uu ku soo dhamaaday jawi aad u wanaagsan ayadoo la gaaray nuxur kii laga lahaa .
Nuur Jaamac Aadan
Xaiiska Warbaahinta Mu’asasada Al-minhaaj
Nuurjaamac21@gmail.com