Muasasada Al-Raxma oo Ceel ka qoday deegaano ka tirsan gobalka Gedo (Masawiro)

October 13, 2015 - Written by Editor

IMG_0076Mu’asasada Al-raxma ee Horumarinta iyo Waxbarashada ayaa Ceel gacmeed  ka qoday toolada shirko oo Bariga uga beegan degmada B/xaawo, deegaanka  shirko iyo Kashiiray oo kamid ah deegaanada oomana ah oo ay aad xooluhu
ugu badan yihiin ayaa Ceelkaani wuxuu ahaa mid ay baahi weyn u qabeen.
Odayaasha deegaanka ayaa aad ugu mahad celiyay dhamaan intii ka qayb qaadatay qodista Ceelkaan, ayaga oo tilmaamay inay xoolaha u aroorin jireen meelo aad uga fog deegaanka, marka abaaruhu Dhacaan oo xooluhu tabar
nuglaadaana ay ku cuslaan jirtay inay xoolaha gaarsiiyaan ceelasha ka durugsan deegaanka, ceelkaan oo ah mid aad ubiya badan oo u biya macaana uu noqon doono miday dadka iyo duunyaduba aad ugu noolaadaan.

Gudoomiyaha Mu’asasada Al-raxmah Sh. C/nuur Faarax ayaa sheegay in “ Qodista Ceelkaani ay qayb katahay Barnaamijka Ceelasha gobolka Gedo ee Mu’asasadu u istaagtay kadib abaartii gobolka ku dhufatay bartamihii iyo
dhamaadkii 2014 kii”

Gudoomiyaha ayaa sheegay inay sanadka 2015 u istaageen hirgalinta barnaamijkaas, waxaana uu tilmaamay in Allaah Fadligiis lagu guulaystay in la qodo hal ceel oo riig ah oo laga qoday Warguduudo iyo Ceel gacmeed laga
qoday deegaanka Kashiiray iyo Shirko, sidoo kalana gacanta lagu hayo labo Ceel gacmeed oo kale.

no images were found

Wuxuuna uga mahad celiyay dhamaan bulshadii Soomaaliyeed ee hawshaas ku garab istaagtay Mu’asasada. Asagoo ugu baaqay dhamaan umadda Muslimiinta guud ahaan, gaar ahaan umadda Soomaaliyeed inay garab istaagaan Mashruucaas.

Xafiiska War faafinta Al-Raxmah
Muqdisho

Leave a comment

*

Archives
October 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online