Puntland oo shaqadii si ku meel gaar ah uga joojisay Idaacadda VOA-da
October 29, 2015 - Written by EditorGaroowe:-Warsaxaafadeed ka soo baxday Wasaaradda warfaafinta dowladda Puntland ayaa si u meel gaa ah shaqadi uga joojisay idaacadda VOA-da laanteeda Afka-Soomaaliga ee laga dhagaysan jiray deegaanada Puntland. Idaacadda VOA-da laanteeda Afka-Soomaaliga ayaa lagu eedeeyey in ay khaldan oo ka baxsan anshaxa saxaafadda ay u tabisay is-casilaadii gudoomiyihii baarlamaanka dowladda Puntland Siciid Xasan Shire , meelna ay uga dhacday sharafta dowladnimada Puntland.
Warsaxaafadeedkaan ayaa waxaa ku saxiixnaa wasiirka warfaafinta dowladda Puntland Maxamuud Xassan Soocade waxaan dhamaan lagu wargeliyey idaacadaha FM-ka ee ka howl gal Puntland in ay joojiyaan tabinta idaacadda VOA.
Hoos ka eeg warsaxaafadeedka ka soo baxday wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Xassan Soocade no images were found
M_M_Deeq
Halgan.net