Reer Guuraagii ugu badnaa oo u soo hayaamay deegaanada Roobabku ka da’een ee Gobolka Sool.[Masawiro]
October 30, 2015 - Written by EditorLaascaanood:-Iyadoo ay Todobo hoglood oo is daba jooga ay ka de’een Todobaatankii cisho ee u dan beeyay deegaanada ku xeeran gobolka Sool haddana waxaa ku soo qul qulaya reer ka soo hayaamay deegaanada ka Waqooyiga, iyo bariga magaalada Laascaanod ee xarunta Gobolka Sool.
Reer guuraa aad uu tiro badan ayaa ku soo qul qulaya deeganada ay hogluhu ku hooreen . Deegaanada ku xeeran Magaalada TALEEX ayaa ka mid ah deegaanada ay saameeyeen abaaraha ba’ani . Waxaa jira dad maata ah oo aanay u suura gelin duruufo dhaqaale awgeed inay ka soo hayaamaan deegaandooda ay ku haleeleen abarahan ba’an.
Abaarahan ayaa ah kuwii ugu adgaa ee dhawanahaan ka dhacay deegaanada ku xeeran Taleex. Sidoo kale waxaa baaruhu ay aad u saameeyeen deegaanada ku xeeran galbeedka iyo bartamaha Somaliland.
Odoayaaasha iyo waxgaradka deegaanadaa oo ugu baaqay waxgardka gobolka Cayn in ay u ogolaadaan inay u soo hayaamiyaan xoolohooda deegaanada gobolka Cayn oo ay ku hooreen Hoglo aad u xoog badan kuwaasoo ka dhigay deegaanadaa kuwo baq waaqo ah .
no images were found
Laascaanood,Somalia