R/Wasaare Sharmarke “Calanka looma sameyn Jamhuuriyadda oo kaliya, waxaa uu matalaa Qowmiyada Soomaaliyeed

October 12, 2015 - Written by Editor

IMG_7112Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cumar C/rashid Sharmarke ayaa khudbad ka jeediyay munaasabad ka dhacday xarunta dowladda hoose taasoo lagu maamuusayay 61 sano guuradii ka soo wareegtay maalinta calanka Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashid ayaa ka hadlay muhiimada dal walba ay u leeyahay calankiisa iyo weliba maamuuskiisa, wuxuuna tilmaamay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu ka qeybgalo 61 guurada Calanka.

“Runtii waa farxad weyn inaan maanta 61 sano kadib u dabaal dageyno maalinta calanka, weliba goobtii ugu horeysay ee laga taagay” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cumar isaga oo intaasina ku daray in markii la sameynayay calanka iyo astaamihiisa sida xidigta ujeedadu aaney aheyn oo kaliya shantii Soomaaliyeed, balse uu matalo dhamaanba Qowmiyada Soomaaliyeed.

“Calanka sidiisaba markii la sameynayay, xidigta waxay mataleysay Soomaali Shantii loo kala qeybiyay, midabka Buluuga ahna waxaa loo ekeysiiyay cirka, waxayna macnaheedu aheyd in aanaan Xuduud uusan na kala qeybin”. Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yiri.

“Kow iyo lixdan sano kadib iyo maanta iyo berri Soomaali astaanta na mataleyso waa Calankaas, waxa loo sameeyey-na Jamhuuriyadda kaliya ma aheyn ee waxay aheyd Qowmiyadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto”.
“Soddonkii sano ee hore ee dowladnimadeena, siyaasadeena gudaha iyo mida dibedda isaga ayaa qeexay, waxaan dadka kula heshiinaynay ama umad kula dagaaleynay waxay aheyd Calankaas”.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in rajada dalka ay aad u wanaagsan tahay horumar badana lagu talaabsaday, basle loo baahan yahay xilligan adag in si wadajir ah looga baxo “Anaga oo Federaal dhiseyno haddana waxaa loo baahan yahay inaan illaashano Midnimadeena, hiigsiga geeddi socodka 2016-da waa inaan wada jir uga baxno, si caalamku u arko in Soomaali ay tahay dal isku tashaday oo horumar gaaraya”.

—Dhammaad—–

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Somalia

Leave a comment

*

Archives
October 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online