Sarkaal ka tirsan DFS oo VOA u sheegay in ay qabteen Sarkaal ka tirsan Al-shabaab.[Dhagayso]

October 12, 2015 - Written by Editor

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa  nabad ilaalinta ee Midowga Afrika ee AMISOM, ayaa howl galay ka sameeyeen shalay qeybo ka mid ah gobolka Galgaduud waxa ay ku soo qabteen horjooge ay saraakiisha ciidamadu ku sheegeen in uu ka tirsanaa maleshiyaadka al-Shabaab ee weerarada ku dhufo oo ka dhaqaaqda ah ku soo qaadi jirey saldhigyada ciidamada ee deegaannadaasi.

Ku simaha guddoomiyaha degmada Ceelbuur Cabdi Xasan Maxamed (Biyo Quute), ayaa VOA u sheegay, in horjoogahan oo magaciisa lagu soo koobay Cali Geney, ay ka soo qabteen deegaanka Ceel Shiil oo dhinaca koonfured kaga beegan degmada Ceelbuur, una jirta dhowr iyo toban KM.

Waxaa uu sheegay in Cali Ganey uu kasoo jeedo deegaanka, balse uu sanadihii dambe dhibaato ku hayey dadka deegaanka.

Ku simaha guddoomiyaha degmada Ceelbuur Cabdi Xassan Maxamed (Biyo Quute), ayaa ka codsaday dowladda Soomaaliya inay kala wareegto maxbuuskan iyo kuwa kale oo horey ay gacanta ugu dhigeen.

Hoos ka Dhagayso Jamal Axmed Cismaan ayaa qadka telefoonka ku wareystayey Cabdi Xasan Maxamed Biyo Quute.

Source :VOA

Leave a comment

*

Archives
October 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online