Taliyaha Ciidamada Booliska DFS oo Garoowe soo gaaray (Masawiro)

October 9, 2015 - Written by Editor

1Garoowe:-Taliyaha Ciidanka Booliska DFS Sareeye guuto Maxamed Sheikh Xasan Xaamud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee xarunta dowlada Puntland.

Wafdiga Taliyaha Ciidanka Booliska DFS Sareeye guuto Maxamed Sheikh Xasan Xaamud ayaa waxaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Garoowe Taliyaha ciidanka Booliska Puntland Gen.Cabdirisaaq Afgaduud ,wasiirka Shaqada iyo shaqalaha, iyo saraakiil ka tirsan ciidanka Booliska Puntland.

Taliyaha ciidanka Boolsika DFS Maxamed Sh Xasan ayaa sheegay inay tahay markii ugu horaysay mudo laga joogo 30-sano uu soo gaaray Puntland oo uu horey uga shaqeyn jiray gaar degmada Eyl ee Gobalka Nugaal.

no images were found

Taliyaha ciidanka Booliska Puntland Gen.Cabdirisaaq Afgaduud ayaa sheegay in Puntland lagu qaban doono shir looga hadlayo wada shaqaynta iyo xoojinta xiriirka ka dhaxeeya Booliska DFS iyo kuwa mamulada dalka kaas oo dhawaan ka dhici doona Garoowe.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online