Taliyaha Ciidanka Booliska DFS oo tababar u soo xiraya Ciidanka Booliska Puntland.[Video/Masawiro]

October 11, 2015 - Written by Editor

IMGP9802Boosaaso:-Waxaa saaka tababar loogu soo xiray xarunta tababarka ee ciidanka Booliska dowladda Puntland ee degmada Carmo ee Gobolka Bari cutubyo ka tirsan ciidanka Booliska ee dowladda Puntand oo mudo tababar u socday. Munaasabada lagu soo xiray tababarka ciidanka Booliska ayaa waxaa ka qayb galay Taliyaha Ciidamada Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Sh. Xassan Xaamud, Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda Puntland Gen. C/risaaq Maxamud Yuusuf Afgaduud, Wasiiro, Xildhibaano iyo qaar ka mid ah gudoomiyaasha Gobollada Puntland.

Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya Sareeyo Guuto Maxamed Sh. Xassan Xaamud oo la dar-daarmayay Ciidanka Booliska Puntland ayaa ugu baaqay in ay ka soo baxaan waajibka loo egmaday ayna u shaqeeyaan bulshada Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya Sareeyo Guuto Maxamed Sh. Xassan Xaamud ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay taageero wixii tabar teed ah u fidindoonto ciidanka Booliska Puntland lana doonayo in ciidanka Booliska meel walba oo ay joogaan ay wada shaqeeyaan una adeegaan bulshada Soomaaliyeed.

no images were found

Dhinaca kale Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda Puntland Gen. C/risaaq Maxamud Yuusuf Afgaduud ayaa bogaadyey tababarka ay qaaten ciidanka Booliska ee dowladda Puntland isagoo ku booriyey in howsha loo igmada ay ka soo dhalaalaan isagoo u sheegay in ciidamadaan loo qaybin doona gobollada Puntland ayna s dhaqso ah ay uga howl gali doonaan.

Sidoo kale Wasiirka amniga Dawladda Puntland Cabdixirsi Cali Qarjab oo ka mid ahaa Mas’uuliyiinta ka hadlay Munaasabada ayaa u booriyey Ciidamada Booliska Puntland  in tababarka ay qaateen ay ugu adeegaan dalkooda iyo dadkooda si loo adkeeyo amniga ka jira Puntland.

Tababarka loo soo xiray ciidanka Booliska dowladda Puntland ayaa ku soo beegmaya xil maalmo ka hor ay dowladda Maraykanka ay hishii la gaareen Puntland hishiikaas oo ahaa in ay tababaro siin doonaa ciidanka Booloska Puntland kana caawin doonaa dhinac agabka iyo isgaarsiinta iyagoo ugu deeqay Puntland lacag gaaraya Hal Milyan oo doolar($1,000,000).

Hoos ka Daawo CUTUBYO KA TIRSAN CIIDAMADA BOOLIISKA PUNLTAND OO MAANTAY CARMO TABABAR LOOGU SOO XIRAY

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online