Taliyaha Ciidanka X.D.S oo kormeer ku sameeyey Hoggaamada kala duwan ee Ciidanka.[Daawomasawiro]

October 7, 2015 - Written by Editor

IMG_20151007_094334Muqdisho:-Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya S/G Maxamed Aaden Axmed ayaa maanta kormeer howlleed oo ugu kuur-geliyo xaaladda Ciidanka xoogga dalka ku sameeyey hoggaamada kala duwan ee Ciidamadda iyo xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, isagoo warbixin ka dhageystay saraakiishii ku sugnayd goobihii uu booqday, wuxuna dhinaca kale kulan la qaatay Saraakiil ka socota dawladda aanu walaalaha nahay ee Turkiga kuwaas oo gacan siiya taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya.

Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed  ayaa waxaa uu siweeyn ugu  kuurgalayay xaaladda dhabta ah ee ay Ciidamaddu ku shaqeeyaan, waxaana uu  taliyihu booqdey Dhismooyin ay Ciidamada leeyihiin oo ku burburay dagaalladii wadanka ka dhacay.

“Waxaan idin ku ammaanayaa sida aad naftiina ugu hurteen bad baadinta difaaca iyo badbaadinta dalka, waxaana tihiin geesiyaal qaran, ummadda Soomaaliyeedna waa in ay taas ogaataa gacanna nagu siiyaan sidii aan dalkeena cadowga kusoo duulay uga sifeyn lahayn, waxaan u jeedaa bur-bur iyo baahi kala duwan oo la rabo in si deg deg ah wax looga qabto, waana midda aan hadda dadaalka ugu jirno sidii aan wax un uga qaban lahayn” ayuu yiri Taliyaha oo la hadlayay Saraakiishii uu kula kulmay hoggaamada.

Dhinaca kale, Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed S/G Maxamed Aaden Axmed ayaa xafiiskiisa ku qaabilay saraakiil ka socotay dawladda aan walaalaha nahay ee Turkiga, wuxuna Taliyuhu boggaadiyey gacanta walaaltinimo ee mar walba ay dawladda iyo shacabka Turkigu la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed, wuxuna si gaar ah uga mahadceliyey gacan siinta Ciidanka X.D.S, isagoona xusay in taliska guud ee ciidanka xoogga dalku uu diyaar u yahay sidii uu wada shaqayn dhaw ula yeelan lahaa saraakiisha maadaama ay kamid yihiin dalalka taageera ciidanka Xoogga dalka.

no images were found

Dhamaad

Leave a comment

*

Archives
October 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online