Wajigii Koowaad ee Nabadaynta Beelaha Qorilay & Magacay oo soo Gabagaboobay.[Daawo Video]
October 5, 2015 - Written by EditorLaascaanood:-Wufuud ballaadhan oo u badan Issimo , Cuqaal, Culimo’udiin , Garaado ka kala yimid magaalooyinka kala ah Garoowe , Boosaaso , Gaalkacyo, Goldogob , Laascaanood , Boocame, Buuhoodle , Widhwidh, God’aalo ayaa soo gaadhay Deegaanka Karin dabayl wayne.
Wufuudaan oo u badan Odayaasha dhaqanka iyo Culimo’udiinka ayaa maalmihii u danbeeyey waxaa uu ku soo qulqulayeen deeganka Karin Dabayl weyn si ay u soo afjaraan colaada ragaadisay beelaha walaalaha ah ee Oodwadaag ah ee dagaaladu ku dhexmareen deegaan ka Qoriley iyo Magacley ee gobollada Sool iyo Mudug.
Wufuuda ayaa waxaa kala hogaaminayey Issimo iyo Garaado laga qadariyey gayiga Soomaaliya waxaaan ay guul ka gaareen in colaada labada beelood la joojiyo loona gudbo in la kala qaado Ciidamada.
Isku soo wada duuboo Deegaanka Karin dabayl wayn oo ay mudooyinkii ugu dambeeyay kusoo qul qulayeen issimadda beelwaynta Daarood oo ka kala imanayay magaalooyinka ale duwan waxaan la sugayaa Issimo ka yimid magaalada Kismaayo si ay ugu soo biiraan nabadaynta labad beelood ee walaalaha ah.
no images were found
Hoos ka Daawo Issimo iyo Garaado Soomaaliyeed oo xabad jojin dhex dhigay Colaadii Qorilay iyo Magaclay