Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland oo casha sharaf u sameeyay Taliyaha ciidanka booliska DFS.[Masawiro]

October 13, 2015 - Written by Editor

DSC_0299Garoowe:-Xafladda casho sharafta ah ayaa waxaa ka qeybgalay Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda Puntland C/risaaq Afgaduud,Guddoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Dhado,Duqa Boosaaso Eng.Yaasiin Mire,saraakiisha DF & Puntland iyo marti sharaf kale. Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Dr Cabdullaahi Sh.Axmed oo casumaada casha sharafta fidiyey ayaa sheegay in uu kusoo dhaweynayo Puntland isla markaana faxad u tahay in Ciidanka Boolisku tayo yeesho.

Mudane Dr Cabdullaahi Sheekh Axmed ayaa kula dardaarmay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo wafdigiisa ee soo gaaray Puntland iney midnimada iyo isu socodka la Joogteeyo. Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa sheegay in uu si weyn uga mahadcelinayo sida sharafta leh ee loogu sameeyey casha sharafta iyo weliba soo dhaweynta Puntland.

Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa tilmaamay in soo dhaweyn fiican kala kulmeen Dowlad iyo shacaba reer Puntland sidaas si lamid ahna ay ballan qaadayaan iney uga soo baxaan abaalka loo galay.

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Gen Cabdirisaaq Afgaduud ayaa isna dhankiisa xusay in imaatinka Taliyaha ay sharaf u tahay ciidanka Booliska Puntland ,waxaana uu Taliyaha u sheegay in uu yimid dalkiisa u yimid shacabkiisii soo booqday Ciidankiisa Booliska Puntland.

Sidoo kale Guddoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays “Dhado” iyo Duqa degmada Boosaaso Xasan Cabdalla Xasan ayaa dhankooda sheegay in ay soo dhaweynayaan Taliyaha iyo wafdigiisa.

Si kastaba ha ahaatee Dowladda Puntland iyo Shacabkeeda ayaa si gobanimo iyo sharaf leh usoo dhaweeyey Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Maxamed Sheekh Xasan Xaamud iyo wafdigiisa.

no images were found

Waaxda Warbaahinta ee Wasaaradda

Maaliyadda Puntland

mofpuntland@gmail.com

Leave a comment

*

Archives
October 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online