Wasiirka Warfaafinta DFS oo ka hadlay wariyaal lagu xiray magaalada Muqdisho.
October 4, 2015 - Written by EditorMuqdisho:-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” oo maanta dib ugu soo laabatay magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu ka hadlay xariga Wariyaal ka tirsan Universal TV.
Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa sheegay in wariyaasha xiran ay heli doonaan cadaalad dastuuri ah wuxuuna xusay in dastuurka DFS uu dhowrayo Xuriyadda Qowlka iyo Saxaafadda sida uu qabo qodobdka 18-naad ee Dastuurka Soomaaliyeed.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa balan qaaday in ka Wasaaradiisu ay u taagan tahay ilaalinta Xuriyadda Saxaafadda iyo Xuriyadda Wariyaha wuxuuna ku ceshay in wariyaashu helo doonaan xuquuqdooda.
Ciidanka Booliska iyo kuwa Nabadsugida DFS ayaa waxaa ay xabsiga u taxaabeen Wariye Cawil daahir oo u shaqeeya Universal TV ka dib markii TV-ga laga sii daayey Barnaamij dood Wadaag oo ay ka qeybgaleen xildhibaano ka tirsan Golaha Baarlamaanka DFS iyagoo eedeyn kulul u jeediyey madaxada DFS iyo dowladaha Itoobiya iyo Kenya.
Hoos ka Daawo Barnaamijkii Dood wadaag ee lagu xiray Wariye Cawil Daahir
A/Cawale
Halgan.net