Wasiiro iska casilay Xukuumadda madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo.
October 26, 2015 - Written by EditorWararka ka imanaya Somaliland ayaa sheegaya inay is casileen illaa sagaal wasiir iyo wasiir ku xigeenno oo ay ku jiraan xubno muhiim ka ahaa dawladda madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo. Xubnaha is casilay waxaa ku jira wasiirkii madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali Xasan, wasiirka arrimaha dibedada Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirka Caddaaladda iyo Garsoorka Xuseen Axmed Caydiid iyo wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Cabdi Aw-daahir.
Waxaa sidoo kale iyaguna is casilay wasiir ku xigeennada bulshada iyo dib u dejinta iyo wasiir ku xigeenka deganaka. Waxaa sidoo isna is-casilay afhayeenkii madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul. Xubnahan ayaa sheegay in iscasilaaddoodu ka dambaysay makrii sida ay sheegeen uu madaxweynuhu taageeray dhinac ka mid ah dhinacyadii isku hayey loolanka hoggaanka xisbiga Kulmiye.
VOA Somali
Halgan.net