Deeq Lacageed oo ay Jaaliyadda reer Puntland ee Leicester (UK) u gudbisay Guddiga dib u dhiska Isbitaalka Gaalkacyo.

September 28, 2016 - Written by Editor

amalbankLeicester:-Jaalliyadda reer Puntland ee ku nool magaalada Leicester ayaa maanta oo taariikhdu tahay 28/09/2016 waxay guddiga  Dib u dhiska isbitaalka u gudbisay lacag gaaraysa  $12000 (labo iyo tobankun oo Doolar). Jaaliyadda reer Leicester ayaa si weyn isugu xilqaantay ururinta lacagtaan oo ujeeddadeedu tahay in ay kaga qayb qaataan dib u dhiska cisbitaalka magaalada Gaalkacyo oo qaraxii dhacay  21/08/2016 burbur weyn u geystay iyo taakuleynta dadkii qaraxaasi waxyeellooyinku ka soo gaareen.

Horraantii bishaan ayuu Wasiirka Deegaanka, Daaqa & Duurjoogta Dr Cali Cabdullaahi Warsame uu Jaaliyadda kulammo kula yeeshay magaalada Leicester halkaas oo kaga wada hadleen siyaabaha Jaaliyaddu uga qayb qaadan karto hawlaha gurmadka, taakuleynta iyo horumarinta guud oo si weyn Puntland oo dhan loogaga baahanyahay.

Haddaba deeqdan lacageed ayaa markhaati cad u ah sidda dhabta ah oo Jaaliyaddu diyaarka ugu tahay ka qayb qaadashada hawlaha gurmadka iyo kuwa horumarineed, waxayna dadku sugayaan inay arkaan farqiga  lacagtaan ay ku deeqeen sameysay iyo sidda loogu fuliyay waxa ay ugu tala galeen.

Hoos ka eeg Deeq Lacageed oo ay Jaaliyadda reer Puntland ee Leicester (UK) u gudbisay Guddiga dib u dhiska Isbitaalka Gaalkacyo.

no images were found


Waxaan kale oo aad ugu mahad celinaynaa wakiilka Shirkada Amal ee leicester Uk , Shaqaalaheeda iyo madaxdeeda oo aad noogu fududeeyey in ay lacagta gurmada jaaiyadda reer Leicester ay gaarsiiyaan Guddiga dib u dhiska Isbitaalka magaalada Gaalkacyo.

Sh Adan Igal oo ka mid ah Guddiga dib u dhiska Isbitaalka Gaalkacyo ayaa Halgan.net u xaqiijiyey saaka in ay soo gaartay lacag dhan $12000 (labo iyo tobankun oo Doolar) oo jaaliyadda reer Leicester ku soo direen shalay Acountiga Guddiga dib u dhiska Isbitaalka Gaalkacyo ay ku leeyihin Shirkadda AMAL Bank faraceeda magaalada Gaalkacyo.

Waxaa uu sheekhu Adan Igal u duceeyey dhamaan cid walba oo ka howl gashay arrinta Gurmadka Isbitaalka Gaalkacyo ah isagoona dhinac kale ugu baaqay Jaaliyaddaha  kale in ay ku daydaan Jaaliyadda reer Leicester ee ka qayb gashay gurmadka dib u dhiska Isbitaalka Gaalkacyo.

 

Gudiga Jaaliyada
Leicester  Uk.

Leave a comment

*

Archives
September 2016
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online