Madaxda gobolka Bari maxay culimada ku maageen? W/Q Sh Axmed Cabdisamad

September 10, 2016 - Written by Editor

Sh. Axmed CabdisamadBoosaaso:-Culimadii reer Boosaaso ogaalkay badankoodu xajkay jireen oo maanta ayay Mina u dareereen, berrina Carafa ayay qabanayaan, in shaa’ Allaah. Waxaa ka mid ah: Sheekh Daahir, Sheekh Axmed Daahir, Sheekh Axmed Yuusuf Daad iyo Sheekh Maxamed Macallin. Waxaan isweydiiyey xilligaan wuxuu ku fiicnaa in madaxdu culimada la hadlaan oo ka codsadaan inay qof qof iyo ummad ahaanba ugu soo duceeyaan ee maxay ducadii culimada u dhaafsadeen habaarkooda?.

Waxaan kaloo isweydiiyey culimadu wayba maqnaayeene madaxda gobolku ma hawaday kala dirireen mise wax kalaa jira?. Hadday jiraan wax hore oo ay ka tabanayeen maxay ugala xaajaysan waayeen intay la joogeen, haddaysan haleelinse may sugaan intay imaanayaan. Haddii matagu meelay jecelyihiin ku simi waayeyse maxay u sheegi waayeen hebel iyo hebelka culimada ah ee eedda ka galay. Illaa eed furan oo culimoo dhan loo jeediyey munaasib maahee. Dabcan hadalka waa laga fahmayaa in qaar culimadaas ka mid ah lugu fogaynayo deegaan ahaan.

Siday doonto ha ahaatee eedihii codka ahaa ee aan dhagaystay waxaa ka mid ahaa:

1- Dawladu markay shir qabsanayso waa sheegaan, markii wax la laayana ma sheegaan.

2- Wax kama sheegaan markii dad la qarxiyo, Gaalkacyana kama hadlin wadaadadu. Kuwii lahaa fanaaniin iyo magiciisii ayay madaxtooyadu samaysay, kama ay hadlin xataa qarixii intii lo ogayd le’ekaa oo boqolka qof fursada uga baxday oo hantidii la ogayd kama hadlin.

3- Khamrada iyo dhibaatadaa wadanka ka jirtana kamay hadlin.

4- Eed aannaan lahayn culimada kama qaadanayno.

5- Qaybtood baa laga yaabaa deegaanadooda. Qofku wuxuu xaq u leeyahay inuu deegaankiisa ka hadlo. Hadduu soo tilaabo oo halkaan noogu yimaado oo haddana deegaankiisa waxa ka jira aan ognahay. Wa andir cashuiiratak al-aqrabiin weeye. Ha u digo ehelkiisa iyo dadka dad ugu xiga. Waa qayb ka mid ah culimada.

6- Culimada waa wada shaqayn jirnay. Door bay ku lahaayeen hoggaaminta fiican. Waxaad moodaa imminka inay ka leexdeen.

Hadalkii aan dhagaystay ee labada masuul isaga dambeeyeen intaan buu ahaa. Way dhici kartaa in hadalku intaan ka badnaa ee qeybtaan kaliya laga soo gooyey.

Haddii la soo uruuriyo eedaha madaxdu culimada u soo jeediyeen waxaa lugu soo koobi karaa: markii wax la laayo ma sheegaan, markii dad la qarxiyo wax kama sheegaan, kuwii lahaa fannaaniin bay madaxtooyadu samaysay kama hadlin qaraxii Gaalkacyo, khamrada iyo dhibaatada dalka ka jirta kamay hadlin. Intaas hal masuul baa ku hadlay.

Kan kalena wuxuu ku celceliyey culimada eed aannaan lahayn ka qaadan mayno, wuxuuna sheegay in qaybtood deegaan kale yihiin, wuxuuna muujiyey in aysan mudnayn in ay halkaan ka hadlaan ee hadday soo tillaabeen ay ahayd inay ehelkooda u digaan. Wuxuu ku soo gabagabeeyey inay culimada wada shaqayn jireen, doowna ay ku lahaayeen hoggaaminta fiican laakiin la moodo inay imminka ka leexdeen.

Ugu horrayn nin muslin ah oo masuul ah oo waliba diinta wax uun ka garanaya cududaar iyo qiil marna u heli maayo inuu culimo u naseexaysay yiraahdo deegaanka maaha ama deegaankoodii diinta haka soo sheegeen. Tan labaad culimada hadalkani ku socdo dhalasho ahaan iyo deegaan ahaan midna dadkaan kagama duwana, deegaankaana iyagaa uga waxtar badan dad badan oo is xijinaya.

Tan seddexaad hadalka masuuliyiinta waxaa ka muuqda inay ka xunyihiin fatwadii culimadu ka baxsheen heeshihii iyo bandhig faneedkii haweeneydu wadey oo dabadeed la joojiyey, madaxdana kuma habboonayn inay ka xumaadaan munkar culimadu hala joojiyo dheheen ee waxay ahayd inay ku farxaan oo taageeraan, sumcadooda iyo maqaamkoodana uma fiicna inay baadil difaacaan iyagoo da’daas ah ummaddana xilal sare u haya.

Hadday ka aali waayeen inay ka hadlaana xilligii arrintu taagnayd bay ku fiicnayde inay maanta oo bilo laga soo wareegay soo gocdaan ma qurxoonayn iyadoo waliba culimadii maqanyihiin.

Eedaha masuuliyiintu xuseen badankoodu uma baahna in culimadu ka jawaabaan ee aynu weydiino dadweynaha Soomaaliyeed gaar ahaan reer Boosaaso inay jiraan iyo in kale maadaama Nabigeenu صلى الله عليه وسلم uu yiri: “waxaad tihiin markhaantiyaasha Alle ee dhulka jooga” .

Gabagabadii waxaa ila quman inay masuuliyiintaasi Ilaahay u toobad keenaan oo hadaladaas ka noqdaan, culimadana la xiriiraan oo ay cafis iyo duco weydiistaan, xaal iyo xumayna siiyaan, hadda ka dibna ay isu dhigaan madax diinta islaamka iyo ummadda muslimiinta ah matasha oo u dooda, wixii sharciga khilaafsana iyagu ka hortaga.

W/Q Sh Axmed Cabdisamad

Leave a comment

*

Archives
September 2016
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online