Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud oo gaaray Jowhar
September 15, 2016 - Written by EditorJowhar:-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goor dhow waxaa ay gaareen magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe ka dib markii safar shalay ay ku tegi lahaayeen magaalada ay ka baaqeen sababo aan weli la sheegin awgood.
Wafdiga Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa ku soo dhaweeyey Garoonka diyaaradaha ee Jowhar odayaasha dhaqanka , maamulka degmada Jowhar, Saraakiil ciidanka AMISOM iyo masuuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sh. Maxamuud ayaa la filaayaa in uu furo shirka maamul u samaynta gobolka Sh/dhexe iyo Gobolka Hiiraan waxaan uu ka jeedin doonaa khudbada Hoolks shirarka ee magaalada Jowhar isagoona kulamo la qaadan doona odayaasha dhaqanka ee ku sugan Jowhar.
Shirka Maamul u samaynta gobolka Sh/dhexe iyo Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka hor yimid Siyaasiyiin , Cuqaal ,Nabadoon , Ugaasyo Gobolka Hiiraan oo uu hogaaminayo Ugaas Xassan Ugaas Khaliif oo iyaga ka codsaday in gobolka Hiiraan laga dhigo labo gobol taas oo ay madaxda dowladda Federaalku ay diideen.
A/cawaale
Halgan.net