Madaxweynaha PL oo ka qayb galay Munaasabad Lagu shaacinayey war-murtiyeed ka soo baxay shirkii Madasha wadatashiga ee ka dhacay Muqdisho.[Masawiro]
September 14, 2016 - Written by EditorMuqdisho:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 14 Sep, 2016 waxaa uu magaalada muqdisho kaga qayb galay munaasabad lagu shaacinayay War-murtiyeed kasoo baxay shirkii ay masuuliyiinta Madasha Qaran ku lahaayeen maalmihii lasoo dhaafay magaalada muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Shirka waxaa sidoo kale qayb galay Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sh.Max’uud, Ra’iisal Wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid, Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Max’ed Sheikh Cismaan Jawaari iyo sidoo kale Madaxweynayaasha maamulada kale ee dalka.
no images were found
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Max’ed Cali Gaas ayaa caddeeyey in ay lagama maarmaan noqonayso in waqtigeeda ay ku qabsoonto doorashada madaxtinimo ee Soomaaliya sanadka 2016, isla markaana ay muhiim tahay in lasii anba qaado dib u dhiska dalka.
Hoos ka eeg warmurtiyeedka ka soo baxay shirkii wadatashiga ee madaxda Soomaalida uga socday Muqdisho. no images were found
–DHAMMAAD–
Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-gelinta Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Dawladda Puntland.