Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Gal-Mudug oo la doortay.
January 17, 2020 - Written by EditorDhuusamareeb:-Waxaa maanta si rasmi ah uga bilaawday magaalada Dhuusamareen doorashada hogaanka cusub ee maamulka Gal-Mudug waxaan hadda dhamaatay tirinta codadka doorashada guddoomiyaha baarlamaanka 2-aad ee Galmudug, waxaana ku guulaystay oo hellay 54 cod Maxamed Nuur Gacal.
Maxamed Nuur Gacal ayaa waxaa uu ka mid ahaa howl wadeenada xafiiska Raiisul wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Kheyre waxaan uu ku guulaystay wareegii koowaad ee doorashada guddoomiyaha baarlamaanka 2-aad ee Galmudug
Waxaa ku tartamay guddoomiyaha baarlamaanka 2-aad ee Galmudug ilaa 2 musharax oo kala hellay
- Maxamed Nuur Gacal: 54 cod
- Cabdinaasir Aden Cusmaan: 34
M_M_Deeq
Halgan.net