Madaxweynaha Puntland oo la kulmay safiirka dalka Talyaaniga iyo Germany ee Soomaaliya
January 31, 2020 - Written by EditorNairobi:- Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid C/llaahi Deni ayaa xalay kulan Casho ah kula qaatay magaaladda Nairobi, Safiirka Dowladda Talyaaniga u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Alberto Vecchi.
Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasiirka Dekadaha iyo Gadiidka Badda ee Puntland Maxamed Cabdi Cismaan Majiino, Gen. Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko oo ka mid ah la taliyeyaasha dhinaca Amniga ee Madaxweynaha Puntland iyo saraakiil ka tirsan safaarada Talyaaniga.
Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni iyo Safiirka Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya Alberto Vecchi ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, sida dhinacyada Siyaasadda iyo Amniga, waxaa kale oo laga wada hadlay taageerada Dowladda Talyaaniga ee Puntland iyo mashaariicda horumarin.
Dhinac kale Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan kula qaatay magaaladda Nairobi ku-xigeenka danjiraha dalka Germany ee Soomaaliya, mudane Markus Bollmohr.
Kulanka waxaa looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya iyo mashaariicda horumarin ee Dowladda Germany ka waddo Puntland.
no images were found
DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.