Madaxweynaha Puntland Oo Magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Haylaan.
January 11, 2020 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr.07 January 8, 2020 ku magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Haylaan.
Madaxweynaha Dowladda Puntland.
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.
Markuu arkay: Baahida loo qabo dardargelinta howlaha shaqo ee Gobolka Haylaan.
Markuu arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo waaya-aragnimadiisa Shaqo.
Markuu Tixgeliyey: Talo soojeedinta Wasaaradda Arrimaha Guddaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland.
Wuxuu xeeriyey:
1. Waxaa Cabdisalaan Maxamed Muuse loo magacaabay Guddomiye ku-xigeenka Gobolka Haylaan.
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.
=DHAMMAAD=
==XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND==.