Maxkamadda Darajada 1aad ee Gobolka Bari oo riday xukun kala duwan.
January 5, 2020 - Written by EditorMaxkamadda Darajada Koowaad ee Gobolka Bari, ayaa maanta ku riday xukunno kala duwan Siyaasiyiin iyo Odayaal loo heystay inay eedeyn iyo aflagaado u soo jeediyeen Madaxda Dowlad Goboleedka Puntland.
Siyaasiyiinta iyo Odayaasha oo ka soo muuqaday markii labaad Maxkamadda Darajada Koowaad ee Gobolka Bari,waxaana lagu kala xukumay Xukunno kala ah Ganaax Lacageed iyo Xabsi.
Maxkamadda Darajada kooowaad ayaa saddex bilood ah oo xarig ah iyo ganaax lacageed oo dhan $500 oo Dollar,ku xukunta Siyaasi Muuse Cali Jaamac , Nabadoon Cabdullaahi Yuusuf Buuxe iyo Nabadoon Cawad Aadan Maxamed.
Sidoo kale, Maxkamadda ayaa laba sano oo xabsiya iyo ganaax lacageed oo $1,000 Dollar, waxay ku xukuntay Nabadoon Cabdicasiis Bayadhabo iyo Nabadoon Maxamuud Aadan Rooble.
Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad oo ku dhawaaqay xukunka lagu riday Siyaasiyiinta iyo Odayaasha wuxuuna sheegay in ay ku caddaatay eedaymo loo heystay sida Kicin-dadweyne iyo aflagaaddo ka dhan ah madaxda dowlad Goboleedka Puntland.
M_M Deeq
Halgan.net