Wasiirka Arrimaha gudaha PL oo safar shaqo ku tegay Degmada Qandala.[Masawiro]
January 26, 2020 - Written by EditorQandala:- Wefti uu hogaaminayo Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha DPL Mudane Maxamed Dhabancad oo isugu jira labada Golle ee Dowladda Puntland maamulka Gobolka bari Taliska qeybta Gobalka iyo Madax ka socotay Hay’adda TIS+/USAID ayaa Safar Shaqo ku gaaray Degmada Qandala ee Gobolka Bari
Wafdiga balaaran oo uu hogaaminayo Wasiir Maxamed Dhabancad ayaa Degmada si diiran ugu soo dhaweeyey Maamulka Degmada, Hogaanka Dhaqanka iyo boqolaal ka mid ah Bulshada kala duwan ee degmada Qandala.
Ujeedka safarka Wasiirka ee Degmada Qandala ayaa salka ku haya kormeer shaqo oo ku saabsan Mashaariicda hormarineed ee laga hirgaliyey Degmada Qandala Sidii Xariga uga jari lahaayeen Mashaariicda oo kale ah laydhka Cadceeda ku shaqeeya iyo Guriga Faleenka.
Wasiir Maxamed Dhabancad oo fagaare kula hadlay dadweynaha Qandala, ayaa uga mahadeliyey soo dhoweynta, wuxuuna sheegay in booqashada Degmada Qandala ay muhiimad gaar uleedahay isagoona ku
ku dhiirigeliyey dadka degmada Qandala ka shaqeynta horumarka, Midnimada iyo Nabadgelyada guud ee Puntland.
Ugu danbeyn Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland iyo Masuuliyiinta lasocotay ayaa kormeer ku tagay xarumaha Dowlada ee Degmada Qandala ee Gobolka Bari.
no images were found
=DHAMMAAD=
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA FEDERALKA IYO DIMUQRAADIYEYNTA PUNTLAND