Wasiirkii amniga ee Jubbaland oo ka baxsaday goobtii uu ku xirnaa
January 28, 2020 - Written by EditorMuqdisho:-Taliye ku xigeenka Booliiska dowladda Federaalka Soomaaliya Zakiya Xuseen ayaa si rasmi ah u sheegay in wasiirkii amniga maamulka Jubbaland uu ka baxsaday goobtii uu ku xirnaa.
Taliye ku xigeenka Booliiska dowladda Federaalka Soomaaliya Zakiya Xuseen ayaa sheegay in ciidanka amniga ay ku raad joogaan wasiir Cabdirashiid Janan oo ay xireen dowladda Federaalka Soomaaliya bishii Ogosto 31-keedii sannadkii la soo dhaafay ayna ku eedeeyeen in uu galay dambiyo culus.
Madaxda maamulka Jubbaland ayaa ku eedeeyey xariga wasiirka amniga ee Jubbaland dowladda Federaalka Soomaaliya iyagoo sheegay in xariga wasiirka la siyaasadeeyey ka dib is afgarashu xumo soo dhex gashay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland ee ka dhalatay doorashadii ka dhacday Jubbaland ee lagu doortay Madaxweyne Axmed Maxamed Islaan ahmed Madoobe.
Warar hoose ayaa sheegay in wasiirka amniga Jubbland Abdirashiid Janan la keenay 5 maalmood ka hor goobta uu ka baxsaday maanta arrintaas oo abuurtay shaki badan oo laga qabo nolosha wasiirka iyo xaaladiisa caafimaad
M_M_Deeq
Halgan.net