Dowladda:“Heshiis ayaa laga gaaray doorashada Soomaaliya”

May 25, 2021 - Written by Editor

Muqdisho:-Wasiirka arrimaha dibedda ee Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq, ayaa khudbad uu galabta u jeediyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ku sheegay in “heshiis laga gaaray” arrimaha la isku hayay ee doorashada.

Wasiirka ayaa sheegay in “mabda’ ahaan ay dhinacyada ku heshiiyeen saddexda qodob ee uu muranka ka taagnaa,” iyadoo war murtiyeedka heshiiskana la soo saari doono Khamiista soo socota.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, madaxda maamul goboleedyada iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa tan iyo Sabtidii ku shirsanaa xeradii ciidanka cirka ee Afisyooni.

Heshiis ay dhinacyada gaaraan ayaa dhabaha u xaari kara in Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho lagu kalsoon yahay, kadib markii uu muddo xileedka Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo dhammaaday 8-dii February.

BBCSomali

Leave a comment

*

Archives
May 2021
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online