Ku-simaha Madaxweynaha DGPL oo ka daah-furay Qardho barnaamijka diwaangelinta codbixiyayaasha doorashada Dawladaha Hoose

May 16, 2021 - Written by Editor

Qardho:-Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta ka daah-furay magaalada Qardho barnaamijka diwaangelinta codbixiyayaasha doorashada Dawladaha Hoose ee Degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn oo si hordhac ah looga-qabandoono doorashooyinka Golaha Deegaanka.

Ku-simaha Madaxweynaha oo ka hadlay munaasabadda Daahfurka ayaa tilmaamay in hirgelinta doorashada meelsare uga jirto qorshaha Dowladda, dedaalna la geliyey ka miradhalinta yoolkaasi.

“Dawladdu waxay xoogga saartay sidii shacabka reer Puntland ay codkooda ugu dooran lahaayeen cidda hoggaanka u qabanaysa, loogana gudbi lahaa habka qabaliga ah ee aynu kusoo dhaqmayney sanadihii lasoo dhaafay, farxad weyn bay noo tahay in maanta aynu daah-furno barnaamijka”.

“Dawladdu iyada oo ka jawaabaysa baahiyaha ku geedaaman hirgelinta nidaamka axsaabta badan, waxaan halkan ka sheegayaa inaan ugu deeqnay Ururkasta $10,000 (toban kun oo doolar) si ay ugu gutaan hawlahooda shaqo. Waxaan diyaar u nahay inaan Guddiga iyo Ururadaba kala shaqayno sidii barnaamijkan looga midho dhalin lahaa” Ayuu yiri Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

no images were found

=DHAMMAAD=
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
May 2021
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online