Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam dib ugu soo laabtay Magaalada Kismaayo.

May 31, 2021 - Written by Editor

Kismaayo:-Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Kismaayo, kadib safar shaqo oo uu ku joogay maalmahii lasoo dhaafay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka.

Madaxweynaha ayaa Muqdisho kaga qeybgalay shirkii madasha wadatashiga qaran ee Doorashooyinka dalka taas oo heshiis lagaga gaaray hanaanka Doorashada soo socota.

Masuuliyiin katirsan labada gole ee Dowlada iyo dadweyne kala duwan ayaa Madaxweynaha kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdille Xasan ee Magaalada Kismaayo.

———Dhamaad—–

Comments are closed.