Puntland Security Force (PSF) oo gacanta ku dhigay xubno ka tirsan Daacish (Daawo)
May 8, 2021 - Written by EditorBoosaaso:-Ciidanka amaanka ee PSF ayaa waxay gacanta ku dhigeen xubno sare oo ka tirsan kooxda Daacish kuwaas oo dilal kala duwan ka gestay magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari.
PSF ayaa sheegtay in raga ay gacanta ku dhigeen ay gudaha magaalada Boosaaso ka geysteen sanadihii hore Waxgaradka Bulshada iyo ciidamada amniga.
Dadkan la soo qabtay waxaa ka mid ah Madixii Amniyaadka Daacish Ee Gobolka Bari Abshir Tooshle Tooshle ayaa daacish u qaabilsanaa magaalada Boosaaso dilalka qorshsan ururka Daacish deeganada Puntland.
Waxaa kale oo ay ciidanka PSF gacanta ku dhigeen Taxi Aadan Dheere oo ahaa Madaxa fuliyaha Qarxyada ururka Daacish.
M_M Deeq
Halgan.net