Barnaamijkii Taxanaha AF-MEER iyo Dilaa Sahal Qaybtii 3aad.[Daawo]
May 22, 2021 - Written by EditorGaalkacyo:-Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa laga soo bilaabo 2008 ilia 2021 wax ka socday dilal qorsheysan oo kooxda Al Shabaab ay ku beegsanayeen haldoorka gobalka Mudug. Shacabka ku shaqan magaalada Gaalkacyo ayaa waxay noqdeen mid la dilo mid baad bixiya mid magaalada ka barakaca iyo mid gabida hoos u rogta cabsi darteed.
Magaalada Gaalkacyo waxay la daala dhacdo dilal qosheysan oo lagu laayey 300 oo qof oo isigu jira Isimo, Nabadoono, Cuqaal ,Ganacsato,Saraakiil iyo shacab rayid ah waxaa dadaal dheer ka dib u suuro gashay laamaha amaanka ee magaalda Gaalacyo in ay gacanta ku dhigaan in ka badan 65 xubnood oo ka tirsan kooxda argagixida ee Al- shabaab kuwaas oo dilal iyo qaraxyo ka geystay magaalada Gaalkacyo.
Warbaahinta Puntland ayaa waxay ka sameysay baraamij loogu magac daray Afmeer oo soo bandhigi doona arxanlaawayaasha ku laayey magaalada Gaalkacyo Haldoorkii magaalada Gaalkacyo.
Barnaamijka Afmeer ayaa ah caawa qaybtii 3aad waxaan xog iyo qaabkii uu ugu biiray Ururka Al-shabaab iyo inta qof oo uu dilay ka waramay Dilaa Sahal oo ah nin reer Gaalkacyood ah oo ka mid haa amniyaad al-shabaab ee dilal iyo qaraxyada ka geystay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.
Hoos ka Daawo Barnaamijkii Taxanaha AF MEER Qaybti 3 aad iyo Dilaa Sahal
M_M Deeq
Halgan.net