Ra’iisul wasaaraha DFS oo guddi u magacaabay soo xaqiijinta cabashada guddiyadda doorashada

May 30, 2021 - Written by Editor

Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha DFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi qiimeeya caddeymaha xubnaha guddiga farsamo ee doorashooyinka.

War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Raysal wasaare Rooble ayaa lagu shaaciyay in guddi heer wasiiro ah loo magacaabay soo xaqiijinta Xubnaha ku jira Guddiga doorashada ee horay looga soo gudbiyay cabasho ka dhan ah guddiga.
“Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa guddi heer wasiir ah u magacaabay xaqiijinta caddeymaha xubnaha Guddiga Maamulka doorashada ee labada heer ee ay cabashadu ka jirto sida ku cad qodobka 1aad ee Hishiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ee doorashooyinka. ” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska Raysal wasaaraha.

A/Cawale
Halgan.net

Comments are closed.

Archives
May 2021
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online