Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka oo goordhow la soo xidhayo
May 27, 2021 - Written by EditorMuqdisho:-Shirka wadatashiga Qaran ee ka socda Teendhada Afisiyooni ee magaalada Muqdisho ee caasimaa dalka Soomaaliya ayaa la filayaa in maanta la soo gaba gabeeyeyo iyadoo shirkana ay ka qayb galayeen Madaxad dowladda Gobolleedyada ka jira dalka ,gudoomiyaha gobolka Banaadir waxaan shirka shir gudoominayey Ra’iisul wasaarah dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.
Dhinac kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maalmihii u danbeeyey kulan is-afgarad ku soo dhammaaday oo ku saabsan arrimaha doorashooyinka la yeeshay Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee BFS Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa saaka la soo sheegayaa in madmadow cusub soo baxay lana doonayo in la dhameeyo inta aan shirka la furin.
Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Aqalka sare Mudane Cabdi Xaasho uu ogolaaday inuu yimaado Shirka ka socda Teendhada Afisyooni ee Muqdisho ka dib dadaalo badan oo ay sameeyeen Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya , Xassan Sheeikh Mohamuud io Sh Shariif Sh Axmed , Midowga musharaxiinta, iyo Xildhibaanno ka tirsan 2 aqal ee dowladda Federaalka Soomaaliya.
A/cawaale
Halgan.net