Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari oo kormeer kadis ah ku tegay xarumaha ay ka mid yihin Saldhigyada Booliska[Video]

May 11, 2021 - Written by Editor

Boosaaso:- Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa kormeer shaqo oo kadis ah ku tagay Xarumaha saldhigyada iyo qeybo ka mid ah Wadooyinka Magaalada Bosaaso halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan Booliska Gobalka Bari kuwaas oo ku jira sugida amniga shacabka madaama magalada ay u soo baxayaan dadweyne badan oo gadanaya dharka ciidda Waxaana halkaas uu warbixin kaga dhegeystay Taliyaasha iyo sida ay amniga u sugayaan.

Sidoo kale Taliye Xuseen ayaa bogaadiyey howlaha kala duwan ee ka socda goobaha uu caawa kormeerka shaqo ku tegay, waxaana uu ciidamada kula dardaarmay iney sii laban laabaan howlaha muhiimka ah ee ay u hayaan Bulshada ku nool Gobalka Bari.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud waxa uu sheegay inuu jiri doono Isla xisaabtan dhab ah oo lagu abaal marin doono cid walba oo shaqo wanaagsan u heysa Bulshada uu madaxda u yahay, waxa uuna taas bedelkeeda intaa ku daray iney ciqaab muteysan doonaan cid walba oo ku guul dareysata howsha loo idmaday.

Ugu danbeyn Taliyaha ayaa kormeero kedis ah ku tagay qaar kamid ah saldhigyada Bosaaso si uu u hubiyo shaqooyinka ka socda waxaana uu warbixn ka dhegeestay Taliyaha saldhiga oo ka waramay maxaabiista ugu jirta saldhiga iyo danbiyada ay ku xiran yihiin.


Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2021
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online