Ciidamada DFS iyo kuwa Galmudug oo gudaha u galay Degmada Guriceel.
October 23, 2021 - Written by EditorGuriceel:-Ciidamadda Galmudug iyo kuwa DFS ayaa la wareegay inta badan Degmadda Guriceel, ka dib dagaal socday 8saacadood ay ku qaadeen ciidamada la baxay Ahlu sunna oo xoog ku heystay Degmada Guriceel.
Dagaalka ka socda degmada Guriceel ayaa yimid ka dib markii uu fashilmay waanwaan ay wadeen odayaasha iyo waxgaradka Degmada Guriceel.
Wararka ugu danbeeyey ayaa sheegaya in ciidamda Galmudug iyo kuwa la wareegeen Saldhigga Degmadda Guriceel iyo Xarunta degmadda, waxaana hadda la arkayaa Gaadiidkooda dagaalka oo wadada laamiga dhexmaraya.
Wararkii ugu danbeeyey ee dagaalada ka socda Degmada Guriceel ayaa sheegaya in dagaalka xoogiiisa uu ka socdo Aagga Jaamacadda oo ah fariisinka ugu weynaa ee Ahlusunna ku laheed degmadda Guriceel kuna yaala dhanka Waqooyi Beri.
Dagaalka ayaa waxaa uu geystay khasaaro leh dhimasho iyo Dhaawac badan oo ka dhashay dagaalkan socday 8 saacadood in ka badan.
A/Cawale
Halgan.net