Go’aan ka gaarista dacwadda badda Kenya iyo Soomaaliya oo bilowday [LIVe]
October 12, 2021 - Written by EditorMadaxweynaha Maxkamadda oo akhrisay caddeymaha iyo doodda ay soo bandhigeen labada dhinac, ayaa sheegtay in aysan maxkamadda ICJ caddeyn karin in khilaafka labada dhinac uu soo jiray ka hor sannadkii 2009-kii.
Waxay sidoo kale tilmaamtay in Maxkamadda ay diiday sheegashada Kenya ee ah in labada dhinac ay horey u gaareen heshiis is afgarad ah oo ku saabsan muranka xuduudda.
Garsoore Joan Donoghue, oo ah madaxweynaha Maxkamadda ICJ, una dhalatay dalka mareykanka ayaa akhrineysay wixii doodda ahaa ee labada dhinac soo kala bandhigeen iyo caddeymihii ay meesha geeyeen, ka hor intii aysan Kenya ka bixin kiiska doodda Badda.