Madaxweynaha Dowladda Puntland oo shir gudoomiyey shirka Golaha wasiirada ee Puntland.[Video]

October 1, 2021 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir-guddoomiyay Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada Dowladda Puntland. Shirka oo uu ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa todobaadkan looga hadlay amniga, ansixinta Siyaasadda Biyaha Puntland, ansixinta wax ka bedel lagu sameeyay Xeerka Rugta Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga, Xeerka Caanaha, dib-u-habeynta iyo dayactirka Waddooyinka Puntland iyo xaaladda degmooyinka Puntland.

Golaha Wasiirada ayaa dood dheer kadib ansixiyey Siyaasadda Biyaha Puntland iyo wax ka bedel lagu sameeyay Xeerka Rugta Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga. Sidoo kale waxaa Golaha loo qeybiyay xeerka Caanaha Puntland oo ay mudaneyaashu soo akhrin doonaan.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa boggaadiyay adeega dadweynaha loo hayo iyo sidii loo sii horumarin lahaa, wuxuuna Madaxweynuhu la wadaagay Golaha Wasiirada in la dhiirigeliyo ganacsatada yaryar.

DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
October 2021
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online