Madaxweyne Farmaajo oo umada Soomaaliyeed u jeediyey Khudbad ku aadan Go’aanka kama danbeysta ah ee ka soo baxay Maxkamadda ICJ. [ Video]
October 12, 2021 - Written by EditorMuqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo jeediyey khudbad ku aaddan go’aanka kama danbeysta ah ee ka soo baxay Maxakamadda ICJ ee kiiska dacawadda Badda Soomaaliya ayaa guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey miro-dhalka dadaalladii waddaniga ahaa ee lagu difaacayey Baddeenna.
Madaxweynaha ayaa xusay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay la kulantay culaysyo badan oo diblomaasiyadeed si ay u xaqiijiso guushan taariikhiga ah, iyada oo dowladda Kenya ay qaadday tallaabooyin ay ku carqaladayneysay habsami u socodka dacwadda Badda, isla markaannaa ay ku dooneysay in qol mugdi ah loogu xalaaleeyo baddeenna.
“Waxaanu u dhaarannay inaan ilaalino ammaanada aan u qaadnay shacabka Soomaaliyeed, damiirkeenna marnaba nama siinayo in aan dhaxalka jiilasha soo socda ku beddelanno dano siyaasadeed iyo kuwo dhaqaale. Waxaannu iska diidnay in aan qaadanno gunnimo dhereg leh, annagoo ka doorannay gobanimo gaajo leh. Tallaabo kasta oo aanu qaadnay iyo go’aan kasta oo aan gaarnay waxa halbeeg u ahaa ilaalinta qabka, qarannimada, midnimada iyo sharafta dadka iyo dalka Soomaaliyeed.”
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa guushan taariikhiga ah ku tilmaamay mira-dhalka halgankii dheeraa ee dadka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay u soo galeen xaqiijinta kiiska sharci ee lagaga hortegayey damaca hoggaanka Kenya ay ku doonayeen in ay ku sheegtaan qeyb ka mid ah Badda Soomaaliya.
“Waxaa guulaystay xaqa, waxaa guulaystay sarreynta sharciga, guushan waxaa leh shacabka Soomaaliyeed oo mar walba garab iyo gaashaan u ah Madaxdooda iyo dowladdooda. Waxaan u mahadcelinayaa Maxkamadda Caddaaladda Adduunka oo u hiilisay sarreynta sharciga. Xukunkani waa astaan qurux badan oo marqaati ka ah hufnaanta iyo daahfurnaanta garsoorka Maxkamadda ICJ. ”
Ugu dambeyntii, Madaxweynaha ayaa u mahadceliyey halyeeyadii u soo halgamay guushan taariikhiga ah oo ay ugu horreeyaan Baarlamaankii 8-aad ee qaatay go’aankii dhaxal dhawrka ahaa, Madaxweynihii hore Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, khuburadii Soomaaliyeed ee ay ka midka ahaayeen Dr. Muna Sharmaan iyo AHUN Eng. Maxamed Cumar Saalixi, Garyaqaannadii iyo khubarradii dhanka sharciga ee Shirkadda Foly Hoag iyo Guddigii DFS ee kiiiska Dacwadda Badda.
DHAMMAAD.
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Cabdirashiid Maxamed Xaashi,
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya