Madaxweynaha Jubaland oo kulan la qaatay Taliyaha Howlgalka Maraykanka ee Soomaaliya
October 9, 2021 - Written by EditorKIsmaayo:-Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Taliyaha Howlgalka Maraykanka ee Soomaaliya Kornayl Thomas Sarrouf iyo sarakiil kale.Kulanka ayaa lagaga hadlay sidii loo dardar galin lahaa dagaalka ka dhanka ah kooxda A-Shabaab iyo tageerada howlgalka Maraykanka ee Soomaaliya.
Magaalada Kismaayo ee xarunta ku meelgaarka ee Jubaland ayaa ka mid ah goobaha saldhigyada ku leeyihiin Ciidamada Mareykanka ee qeybta ka ah howlgalka AFRICOM ee ka dhanka ah kooxda Al Shabaab.
Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli shalay uu gaaray magaalada Kismaayo taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed General Odowaa kaas oo kulan la qaatay saraakiisha ciidamada Jubaland waxaa la isla meel dhigay dardargalinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab .
A/Cawale
Halgan.net