Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Warsaxaafadeed ka soo saaray xaalada Gal-Mudug

October 1, 2021 - Written by Editor

Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa uu wax laga xumaado u arkaa xiisadaha colaadeed ee ka taagan deegaanno ka tirsan Gal-Mudug.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ka tacsiyadeynayaa dadka ku dhintay iska hor-imaadyada dhacay wuxuuna caafimaad deg deg ah Alle uga baryayaa dadkii dhaawacmay.

Galmudug waxaa ka jirta Dawlad-Goboleed haysata sharciyad buuxda iyada ayaana mas’uul ka ah amniga deegaannada Galmudug , sidaas awgeed waa in laga dheeraado tallaab kasta oo u muuqata mid lagu carqaladaynayo Galmudug.

Cid kasta oo qabta tabasho waa in ay u martaa xalka dariiq nabadeed, waana in la joojiyaa abaabulka hubaysan iyo weerarada baal-marsan sharciga taas oo halis ku ah xasilloonida, nidaamka iyo kala danbaynta.

Hoggaanka Galmudug waxaa ay mas’uuliyad ka saaran tahay ilaalinta nabadgalyada, kala danbaynta iyo wadajirka reer Galmudug, waana in si deg deg ah loo xalliyo xiisadaha iyo khilaafaadka kale ee aan rabshadaha wadan .

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ugu baaqayaa dhamaan reer Galmudug maamul iyo shacab in ay gacmaha is qabsadaan una midoobaan dagaalka argagixisada Alshabaab iyo cid kasta oo halis ku ah xasilloonida, dowladnimada iyo horumarka Galmudug.

no images were found

DHAMMAAD

Leave a comment

*

Archives
October 2021
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online