Taliyaha Ciidamada Booliska Guriceel lama cafin doono kuwii dagaalka ka riday Guriceel (VIDEO)

October 27, 2021 - Written by Editor

Guriceel:-Taliyaha Ciidamada Booliska degmada Guriceel G/sare Cismaan Cali Hudeey ayaa maanta waxaa uu kula hadlay warbaahinta Degmada Guriceel ka dib markii ay ciidamada Ahlusuna ay ka baxeen Degmada Guriceel .

G/sare Cismaan Cali Hudeey Taliyaha Ciidamada Booliska degmada Guriceel ayaa sheegayin amaanka guud ee Degmada Guriceel uu sugan yahay ayna ciidamada DFS iyo kuwa Galmudug ay si buuxda ula wareegeen magaalada ka dib dagaalo Afar maalin ah ka socday Degmada Guriceel.

G/sare Cismaan Cali Hudeey Taliyaha Ciidamada Booliska degmada Guriceel ayaa sheegay in Bulshada degmada ay ka difaaceen kooxda la baxday Ahlusuna oo ku soo duushay taas oo dhibaato ku heysay shacabka ku dhaqan Degmada wuxuuna ugu baaqay shacabkii ka barakacay Guriceel in ay dib ugu soo laabtaan .

Ugu dambeyn Taliyaha Ciidamada Booliska degmada Guriceel G/sare Cismaan Cali Hudeey ayaa sheegay in cadaaladda la horkeeni doono cid kasta oo oo garab siisay kooxda la baxday Ahlusunna.

A/Cawale
Halgan.net

Comments are closed.

Archives
October 2021
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online