Akhlaaqda oo xumaata iyo xidhiidhka ay la leedahay qalloocsanka fikir Sh. Cabdiraxmaan Abyad
March 20, 2022 - Written by EditorLaascaanood:-Habeennimadii Sabtida ee tirsiga hijrigu ahayd 16/8/1443, kuna aaddanayd 19/3/2022 Miilaadiga, waxaa ka qabsoomay hoolka Mustaqbal, Laascaanood kulan-aqoomeedka Caweyska aqoonyahanka oo ka mid ah barnaamijta ay soo qabanqaabiso Madasha Sawrac.
Kulankan ayaa lagu gorfeeyey “Akhlaaqda oo xumaata iyo xidhiidhka ay la leedahay qalloocsanka fikir”. Mawduuca waxa soo jeediyay oo si heer sare ah u qaadaadhigay aqoonyahan Sh. Cabdiraxmaan Abyad -Ilaahay ha dhawree- iyada oo markii kalmadda uu sheekhu soo gunaanadayna loo gudbay wixii weydiimo ama wax ku biirin ahaa ee ay dadkii ka soo qayb galay ku darsanayeen kulanka.
Kulankan ayaa ahaa kii ugu horreeyey ee noociisa ah ee ay madashani soo qaban qaabisay.
Hoos ka Daawo Muxaadarada Sheekh Craxmaan Abyad ee Cinwaankeeda uu ahaa Akhlaaqda oo xumaata iyo xidhiidhka ay la leedahay qalloocsanka fikir
Madasha Sawrac
Halgan.net