Boqor Burhaan Boqor Muuse oo qoraal ka soo saaray kulankii dhexmaray Madaxweynaha Puntland

March 8, 2022 - Written by Editor

Bosaaso: Shir u dhexeeyey Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Isimadii gacanta ku hayey dhibaatadii ka dhacdey magaalada Bosaaso kulankan waxaa iyaguna qayb ka ahaa Taliyaha Daraawiishta Gen Yasiin Cumar Dheere. Taliyaha Boooliska PL, Gen. Maxamed Cali Xaashi iyo Gen. Maxamuud Cismaan Cabdullahi Agaasimah Ciidanka PSF kulankan ayaa ka qabsoomay garoonka diyaaradaha ee Magalada Bosaaso .

Kulanka ayaa diirada lagu saarey sidii ay ciidamada qalabka sida dib ugu wada shaqayn lahayeen iyado dhamaan fadhiyada ciidanka la faray, in ay wada shaqeeyan waxaana uu kusoo dhamaadey jawi wanaagsan iyo is-afgarad.

Madaxwaynaha iyo isimada ayaa iyaguna kulan labaad la qaatay gudigii loo saarey dhibaatadii ka dhacdey dagaalkii Boosaaso iyo gudoomiyaha gobolka Bari, duqa degmada Boosaaso waxana uu Madaxwaynuhu amray in si deg-deg ah wax looga qabto dhibaatadii dhacday Isimada ayaa u mahadceliyey Madaxwayne Siciid Cabdullahi Deni iyo cid walba oo ka qayb qaadatay xal u helida dhibaatadii ka dhacday Boosaaso.

Wabilaahi towfiiq

Comments are closed.

Archives
March 2022
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online